WELCOME TO BERBERA CITY GOVERMENT & MUNICIPALITY
|








BERBERA: Banaanbaxii ugu balaadhnaa ee lagu muujiyey
qadiyada gooni isutaaga Somaliland oo siweyn dadweynuhu
usoo baxeen.
“Dadweynaha Reer Berbera caruur iyo ciroole mid ma hadhin
waxay usoo baxeen xaqiijinta himilada ictiraaf doonta
Somaliland”
“Umay kala hadhin Ururada Bulshada Shaqaalaha Shirkadaha
sida Telesom, Caruur Ciroole iyo Dhalinyarada reer Berbera
Muujinta Qadiyada gooni isutaaga Somaliland”
“Saaxil Waxay bixin doonta Taakuleynta ugu badan ee
Ciidanka qaran waxaanu gacanta ku haynaa ilaa boqol milyan
oo uruuriyey Ciidamada Qaran”
Jawigu waxa uu ahaa mid degan oo cirka ay isku dahaadhay
daruuro taas oo ay dadka qaar ku haldhabayeen in jawigu u
muuqdo mid la ictiraafay Somaliland dadweynuhu waxay usoo
baxeen sidii ciidaha oo kale waxaanay siteen calamo, qoraalo,
maryo, ay ku xardhanyihiin “somaliland gooni isutaageedu
waa muqadas” iyo qoraalo lamid ah iyadoo koox koox loo
soconayo ayaa la yimid goobtii lagu balan sanaa ee guriga
martida barxadiisa halkaasi oo ay shaqaalaha dawlada
dadweynaha, ururada bulshada shaqaalaha shirkada Telesom
oo uu horkacayo Maxamed Cabdi Faarax iyo dadweyne aan
lasoo koob Karin Ururada haweenka, Hawla wadeenada
Wasaarada iyo Waaxyaha Dawlada ee Berbera, Xisbiyada
Qaranka.
Uguhoreyn waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Golaha
Deegaanka Berbera ahna Duqa Degmada Berbera Md Cabdale
Maxamed Carab Sandheere oo aad ugu dheeraaday macaanka
ay leedahay hirgalinta himilada iyo qadhaadhkeedaba waxaana
hadaladiisa oo uu maayarku yidhi “Munaasibadan manta
waxaynu usoo baxnay qadiyada somaliland ee halganka loo
soo galay oo aad moodo iminka ifafaalaha muuqda inay
dhowdahay sidaynu illaahay ka rajaynayno halganka baa lasoo
galay xabad waa laga soo gud bay halgankii maskaxda iyo
siyaasada ayaa la wadaa sidii aynu caalamka uga dhaadhicin
lahayn inaynu nahay dad ismaamuli oo dawlad ah, jawiga
manta ayaad moodaa in la ina aqoonsaday oo roobkiibaaba ina
dul fadhiya waxaan jecelahay inaan dadka reer Berbera u
sheego inay xornimadu waa wax aad u dheer dadaal badan
bay leedahay waxa laga yaabaa dad fara badan oo manta
halkan joogaa inay midhaheeda aanay qaadan oo kuwa ka
danbeeyaa gurtaan tusaale waxa idiinku filan nin ayaa 27 sano
jeel ugu jiray qadiyada madax banaanida uu aaminsanaa
jasiirada robber ariland ayuu ku xidhanaa waxa la odhan jiray
Tanzania aya lagu geynaya halkaas ayaa lagu geynaya halkaas
wax kasta ka qaado hadii waa uu diiday waad garanaysaa
waxa uu ahaa halgamaagii Mandela Xoriyadu waxay u
baahantahay simir dheer dadka qaar baa yar baqda waxas
looma baahna”
Shiine Cabdi Barkhadle oo u hadlay Xisbiga KULMIYE waxa
hadaladiisii kamid ahaa oo uu yidhi “KULMIYE waxa uu la
qabaa somaliland dadweynaheed oo lasoo baxay muujinta
qadiyada gooni isutaaga somaliland manta qofka halkan
taagan ee gudbinaya dareenkiisa waxa uu la mid yahay ka
furinta taagan oo dareen iyo qowl iyo camal ayuu ku
muujinaya qadiyada gooni isutaaga somaliland taasina waa
taynu u soo baxnay waxaynu caalamka kusoo kordhinay
Dimuquraadiyada daganaasho & nabadgalyo”
Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamed Cabdilahi Maxamed oo
ka hadlay banaabaxa lagu taageerayay qadiyada Somaliland
waxa hadaladii Badhasaabka kamid ahaa oo uu yidhi “Waxaan
aad ugu mahadnaqayaa Bulshada reer Berbera haday
shaqaalaha haayadaha Dawlada, Ururada Bulshada,
Shirkadaha Wadaniga ah, iyo Dhamaan bulsho weyn reer
Berbera aad iyo aad baad u mahadsantihiin, hadaladaasi iyo
muujinta dareenada qadiyada Somaliland waxa laga
akhrisanaya dunida oo dhan washinton iyo londan baa laga
akhrisanayaa taas ogaada Arintani maaha mid fudud muujinta
qadiyada gooni isu tag somaliland waa arin meel wanaagsan
ayay maraysaa banaanbaxan oo kale waa waxyaabaha
muujinaya sida aynu ugu halgamayno gooni isu taageen
somaliland”
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay xubin ka tirsan Xisbiga UDUB
isagoo tilmaamay in gooni isu taiga somaliland yahay mid
muqadas ah
Gudoomiyaha Gobolka oo ka hadlay Waxyaabaha hortaagnaa
somaliland waxa uu yidhi
“Waxyaabaha had iyo goor ina hortaagnaa waxa kamid ah
iyadoo la odhan jiray dalkii gobol baa kamaqan oo sool
mahaysaan iyadoo manta halkay taagantahay aynu wada
ognahay meel wanaagsan bay maraysaa Ciidanka qarankuna
Hambalyo ayuu ku leeyahay waxaanu uruurinaynaa
taakuleynta ciidanka qaranka dadweynow hadii aynaan
ciidanka daba taagnayna waxyba ma soconayaa, waxaanu
iminka haynaa lacagtii ugu badnaynaa oo Boqol milyan taas ku
bushaaraysta lacagtaas oo laga uruuriyey shaqaalaha iyo
dadka reer Berbera waxaan rajaynayaa in taakuleynta ugu
badan saaxil laga helo taas ku bushaaraysta”
Gudoomiyaha oo carabka ku adkeeyey in nabadgalyadu tahay
tiirka kaliya ee somaliland leedahay isagoo ka hadlayana waxa
uu yidhi “Waxa Caalamka oo dhan Muslim iyo Gaal la I noogu
hiilanayaa ee la inoo hadal hayaa waa qodob kaliya kaas oo ah
Nabadgalyada weeye nabadgalyada waa in la wada ilaashada
oo runtii waa arin muhiim ah, waxaan manta wada ognahay in
dadkeena halkaa jooga mid manta meel aan somaliland ahayn
u dhaqaaqi karaa ma jiro marka laga reerbo labo boqol oo
baasabooro haysta wallaahi aniga iyo caruurtaydu meelkale oo
aanu u dhaqaaqno wallay naga tahay tan ayaanu ku
dhimanaynaa tan ayaanu daafacaynaa aad iyo aad baad u
mahadsantihiin ilaahayna wuu gargaarayaa” sidaas ayuu
kusoo koobay Badhasaabku hadalkiisa.
Waxa lagu tilmaami karaa banaanbixii ugu balaadhan ee ka
dhacay Berbera ee lagu taageerayo qadiyada gooni isu taiga
somaliland marka laga yimaado madaxda halkaasi ka hadashay
waxa iyaguna goobtaas gabayo suugaano iyo hal ku dhigyo ku
aadan xornimada qaranimada iyo gooni isu taiga somaliland
fanaaniinta Gobolka Saaxil.
Cabdikariim Siciid Saalax
info@waaberinews.net
BerberaSomaliland
Source of Hadhwanaagnews.com
