Berbera Local Goverment
WELCOME TO BERBERA CITY GOVERMENT & MUNICIPALITY
Guddoomiyihii hore ee Golaha
deegaanka ee Gobolka Saaxil, isla
markaana ahaa Maayarkii
Magaalada Berbera
Siciid Daa’
uud Cilmi (Alah Yaraxma)
Building_ka Dowlada Hoose ee
Berbera. Berbera City Hall
Somaliland Gov. Links
City Services Guides

  • Hotels

  • Airport Service

  • Transportation

  • Restruants
Somaliland/News Links
Berbera Local Goverment!
Somali Audio News
Somaliland Newspapers
Ku simihii ahna ku xigeenka
Guddomiyaha Golaha Deegaanka
 
Abdi Jaamac Faduul.
Maxjarka Xoolaha ee Berbera
Markab Dekeda taagan
News/Event
Guddoomiyihii u  horeeyay ee
Golaha deegaanka ee Gobolka
Saaxil,isla markaana ah maayarka
magaalada Berbera:
Cabdalle
Maxamed Carab (Sandheere)
Telesom building
Berbera: Dawlada Hoose & dhameystirka Jidka iskau Xidha Madaarka
& Magaalada Iyo Warkale.

Dawlada hoose ee Magaalada Berbera ayaa bilowday dhameystirka wadada
isku xidha Madaarka & Berbera oo ay ka hadhsanayd sideed boqol oo miter
Duqa Degmada Berbera Cabdale Maxamed Carab oo wadada oo ay shaqadu
ka socoto kula hadlay saxaafadaa ayaa yidhi .

















“Wadadni hawl badan ayay soo martay Dawlada dhexe way ku dhici weyday
dawladii hoose hore way ku dhici waayeen, waxa aad ugu mahad leh alle ha
u naxariistee Gudoomiyihii hore Berbera Siciid Daa’uud ayaa yidhi war
waxkasta ha inagu kacdee waynu bilaabaynaa inta aynu qaban karno,
midhaheeda waxaad moodaa in maanta la guranayo ilaa 3 Km ayuu soo
dhameeyey intii uu noolaa waxa noo hadhsanaa 800 Mt oo runtii intii u
xumeyd ahayd”













Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Berbera oo ka hadlayey
Dhameystirka jidka isku xidha madaarka & Magaalada Berbera taas oo ay ka
hadsanayd 800 Mt, Duqa Berbera Cabdale Sandheere isagoo hadalkiisa sii
wadana waxa uu yidhi “Shaqadaas Dawlada hoose in badani kumay wehelin
way jirtay ganacsato wax xoogaa naga caawisay laakiin badankeeda waxa
qabtay Dawlada hoose 90% waxa bixisay Dawlada Hoose maantana waad
arkaysaan waxaan leeyahay Somaliland qiimo badan bay ugu fadhidaa anaga
laftayada sharaf ayay noo tahay oo wixii aanu kusoo tacab nay inaanu
aragno qiimo weyn bay noogu fadhidaa, Qeybtii hore markii aanu
dhameynay Madaxweynaha ayaa na soo siyaartay waxaanu nidhi
Madaxweyne wax nala qabo Wasiirka Maaliyada ayuu noo yara tilmaamay
nasiib daro wasiirka ayaa hawli ku timi laakiin wax noo yaala weeyaan”













Gudoomiyuhu waxa kale oo markii u horeysay carabka ku dhuftay inuu u
diyaar garoobay doorashooyinka danbe & qorshaha kan ku xiga waxaanu
yidhi “Wadooyinkii ayaanu ku ilbaxnay waxaanu bilaabnay tan tagta
Batalaale, waxaanu iyana wax ka qabanaynaa bilicda magaalada waxaanu u
diyaar garoobaynaa doorashooyin, maxaad leedihii miyaanay intaas nalagu
dooranayn”
Xoghaya Dawlada hoose Rashiid Aw xasan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa
yidhi “waxa ku baxay kharash dhan 120. 000 kun oo dolar 3 km ee hore
halka inta hada aanu dhameystirkeeda wadnana ay ku baxayso 50 kun oo
dolar, taasina waxaan filayaa inay reer Berbera iyo dadka somaliland qiimo
badan ugu fadhida”

Wadada isku xidha Madaarka & magaalada Berbera ayaa ahayd mid siweyn
looga naxo marka ay gaadiidku marayaan taas oo markii u horeysay gacanta
saaray Gudoomiyihii hore ee Golaha Deegaanka Berbera iyadoo ay u
muuqato jid ay Dawlada hoose ku kasbatay taageero iyo horumar
dhinacyada Dadweynaha ah taas oo laga dheegan karo hadalhaynteeda
kharashka intaas leeg ee ku baxay.
Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Berbera Md Cabdale Sandheere ayaa
hawlaha u wada sidii saaxiibkiisii hore iyadoo uu haatan cagta saaray
Maayarku wadada uu ku reebayo taariikh cusub oo dhinaca Horumarka iyo
Waxqabadka dhan ka kalena uu diyaar garow ugu jiro Doorashooyinka
Golaha Deegaanka Dalka ka dhici doona hadiii Eebe idmo.

Wadadan ayey ku baxday lacag $ 170.000 US Dolar taas oo ay wax ka
qabashadeeda ku dhici wayday Xukuumada, Hay'ada Wadooyinka,
Wasaarada Hawlaha Guud iyo Madaxweynaha & KUxigeenkiisa oo balan
qaadyo badan oo dhinaca horumarka ah u sameeyey dadweynaha reer
Berbera xiliyadii olalaha doorashooyinka Somaliland.


C/kariim Siciid Saalax
Berbera Somaliland