WELCOME TO BERBERA CITY GOVERMENT & MUNICIPALITY
|
Building_ka Dowlada Hoose ee
Berbera. Berbera City Hall
Ku simihii ahna ku xigeenka
Guddomiyaha Golaha Deegaanka
Abdi Jaamac Faduul.
Maxjarka Xoolaha ee Berbera
|
News/Event
Guddoomiyihii u horeeyay ee
Golaha deegaanka ee Gobolka
Saaxil,isla markaana ah maayarka
magaalada Berbera: Cabdalle
Maxamed Carab (Sandheere)




Xaflad Weyn oo Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile lagu soo dhaweynayo
oo lagu qabtay Caasimada Labaad UK ee Birmingham .
Xaflad aad u weyn oo lagu soo dhaweynayo Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile oo ay ka qayb
galeen dadweyne aad u farabadan kala yimi dacalada Gobolka WestMidlands iyo guud ahaan
cidhifyada Wadanka UKba, ayaa lagu Qabtay Birmingham oo ah Magaalo Madaxda labaad ee
wadanka Ingiriiska ,xafladaas oo si habaysan loo agaasimay , Aayado quraana iyoDuco ka
dib,Waxaa lagu soo bandhigay murti-badan,talo bixin iyo Su,aalo dadweynuhu weydiyeen
Xildhibaanka iyo jawabahoodii xildhibaanka ka bixiyey.
Waxaa ugu horeyn halkaa qudbad kooban ka jeediyey Mudane, Cumar Cabdilaahi Yaasiin oo ah
Odayaasha aad looga Qiimeeyo Jaaliyada Somaliland ee UK ,isagoo halkaa Hadalo kooban ka
jeediyey waxuuna hambalyo iyo bogaaadin u gudbiyey Xildhibaanka iyo Dadweynaha ka soo
qaybgalay Xafladda, intaa ka dib waxuu mudane , Cumar wax ka taabtay Taariikhdii Xildhibaanka
oo kooban waxuuna yidhi Xildhibaanku waxuu ahaa , Macaliintii Jaamacada Lafoole ka soo
baxday, ka dibna waxuu Macalin ka ahaa Dugsiyada Sare ee Magaalada Madaxda Gobolka
Togdheer ee burco ka dibna waxuu ku biiray Halgankii SNM oo uu ahaa Saraakiishii Maamulka
ee Ururkaas , markii dalka lagu soo noqday waxuu noqday Xoghayihii dowlada hoose ee Burco,
ka dibna maamulkii dekada berbera,Ka dibna waxuu noqday Duqii Degmada Sheekh ee Gobolka
Saaxil , Ka dibna Doorashadii 2005 ayuu ka mid noqday Xildhibaanada Baarlamaanka
Somaliland oo uu ka soo baxay Gobolka Saaxil oo ilaa iminka yahay .
intaa ka dib waxaa Codbaahiyaha lagu wareejiyey Mudane , Siciid ibraahim (Siciid Fisigis )oo
ahaa macalimiintii waaweynaa ee Somaliland kana mid ahaa Aasasayaashii Ururkii
Dhalinyarada ee Ufo ee 1982 ahna Odayaasha waaweyn ee maamuuska ku leh Jaaliyada
Somaliland UK, Mudane Siciid waxuu marka hore soo dhaweeyey Xildhibaanka, waxuu si gaara
u tibaaxay inuu ku faraxsanyahay ayuu yidhi,inaan ku soo dhaweeyo xildhibaanka Birmingham oo
ay isku ahayn Macalintiintii Waaweynayd ee Somaliland, marlabaad waxaan leeyahay ku soo
dhowow Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiilow,Magaalada Birmingham.
intaa ka dib waxaa isna halkaa hadalo Qiimo leh ka Jeediyey Mudane, Maxamed Ismaciil
Adan(Ina Direys)oo ah Odayaasha waaweyn ee qiimaha ku leh Jaaliyada Somaliland
eeBirmingam waxuu ku soo dhaweeyey xildhibaanka Birmingham ,
waxuna u mahadnaqay dadkii reer Somaliland ee ka soo qaybgalay Xaflada iyo kuwii soo
abaabulayba .
Intaa ka dibna waxaa la wareegay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile ,isagoo halkaa ka
jeediyey khudbad qiimo leh oo dhinacyo badan taabanaysay waxuuna ugu horeyn muujiyey sida
uu ugu faraxsanyahay xaflada balaadhan ee lagu soo dhaweeyey ,isagoo mahad gaara u
jeediyey dadkii soo agaasimay iyo dadweynaha iyaguna ka soo qaybgalayba , waxa uu uga
waramay dadkii madashaa isugu yimi sida ay u yimadeen UK oo yidhi waxaanu ahayn
15Xubnood oo barlamaanka Sl ,waxaana aanu ka koobnayn Sadexda Xisbi Qaran ee
Somliland,waxaanu u nimi inaanu xoojino qadiyada ka midho dhelinta Ictiraafka Somaliland
runtiina dhamaan hawlahaasi waxay noogu dhamadeen guul iyo natiijo fiican ,waxuuna sheegay
inay jiraan Goldaloolooyin lakiin loo baahan yahay in lawada shaqeeyo, waxaanu uu ku booriyey
jaaliyada Somaliland ee qurbaha in la adkeeyo midnimada Somaliland , waxaanu sheegay
haddii hawl la hayo inay markasta imanayso canaani ,lakiin aan loo baahnayn in la
buunbuuniyo,waxuuna si xaqiiqo ah uga waramay xaalada dalka ka jirta , waa lays qabtaa
marmar ayuu yidhi,lakiin waa sidii wax loo hagaajin lahaa ,cidii sharciga baalmartana farta ayaa
lagu fiiqayaa ayuu yidhi xildhibaanku ,haddii sharcigu aanu jirin ama lagu dhaqmi waayo waxba
ma jiraan ayuu yidhi , waxa ina kala hagaayana waa sharciga ,waxaana loo baahanyahay ayuu
yidhi,inay cidkastaaba dhinaceeda ilaaliso, sharciga xeerdejinta iyo ilaalintiisuba cida xil ka
saaranyahay waa Golaha Wakiilada , sidaa daradeed cid kasta oo ka cabata ,toosinta sharciga
,wadona uga baydhimayno, waayo dhaar ayaanu umadda ugu marnay ilaalintiisa ayuu yidhi
Xildhibaanku ,cidkasta oo damqasho ka muujinaysana mid aanu u joojinayno maaha iyo ku
dhaqankiisuba ,baroordiiqdiisuna mid aanu ka damqanayno maaha ,cidna dulmi ku
samaynmayno, Kaas(Sharciga) waa arinka keliya ee xabagta ah ee umada isku haya waxaana
loo baahanyahay ayuu yidhi , xildhibaanku in warkasta oo dalka idinka soo gaadhaa uu u
baahanyahay xaqiijin iyo hubsiimo,Somalilandna u baahna khiyaali iyo indhasarcaad ,ee waxaa
waajiba inaan runta ku dhaqano iyo sida sharcigu yahay .
Sidaa daradeed waxaa loo baahnayahay Goldoloolada jira ,halka xadhigu ka dabacsanyahay in la
giijiyo,waa in aanu noqon mid go,a, dibna xasuustiina ugu celiya dhibkii iyo xanuunkii loo soo
maray gobanimada aan maanta haysano,oo aan ku tabacno,si aynu mustaqbal wanaagsan
ubadkeena ugu dhigno,Guud ahaan Xildhibaanku waxuu rajo ka muujiyey inaanu ku dadaali
doono ayuu yidhi ,inaan ku shaqayno Midnimo ku talogalka Golahayaga ,kaas oo uu hadafkiisu
yahay, Golaayasha kalena waxaanu ka rajeynaynaa inaanu si wadajira u wada shaqayno,si loo
xaqiijiyo Himilada Umada hiigsanayso,caalamkana aan tusno xaqiiqada dhabta ah iyo inaan
nahay dad tashaday .
waxuu ku guubaabiyey dadweynihii Somaliland halkaa isugu yimi inay ka qaybgalaan Horumarka
Somaliland ,waxuuna jeediyey khudbad qiimo leh oo meelo badan taabanaysay , waxuuna
tilmaamay in dalku maraayo meel fiican dadweynuhuna ay qabsadeen wax badan ,waxna ay
welidhimanyihiin,Maantana waxaan u bahaanahay ayuu yidhi inaan dhinacyada hayno, oo aan si
hagarla,aana u dhisno Somaliland ,si waxa aan hiigsanayno aan u tusno adduunyada in aan
nahay dal u qalma waxa uu doonayo.
Ugu danbayna , Waxaa la weydiiyey , Su,aalo badan , oo badi ku saabsanaa Muranka Sharciga
,waxuuna dhamaantood ka bixiyey jawaabo waafiya .
Isagoo jawaabihiisa Xildhibaanku cuskanayey Qodobada distoorka iyo Xeerarka wadanka
,isagoo dhamaantood si faahfaahsan uga jawaabay su,aalihii loo soo jeediyey ,dadkuna ay aad
uga mabsuudeen, ugu danbayna waxaa si fiican u soo gunaanaday xafladaa gegebagabadeedii
Md,Cabbdiraxmaan Cawil Xasan oo ah Xildhibaanada Keydka ah ee Xisbiga Kulmiye ee Gobolka
Saaxil metalayeyna Jaaliyada Somaliland ee Leicester UK.
Runtii Xafladahaha Xildhibaanku uu u qabanayo, Jaaliyadaha Somaliland ee UK waxaa ka
qaybqaatay isku duba ridkeeda iyo inay suurtagashoba ,Odayaasha, Cabdirashiid Maxamed
Keyse,Cabdiraxmaan Cawil Xasan, Maxamud Cali Axmed (Jaadhi) iyo Shucayb Maxamed Nuur
Odayashaa oo markasta lahaa isku dubaridkeeda iyo tabaabushaheeda, waxaa isna ka dhex
muuqday xafladahaa Mudane, Xuseen Maxamed Bisad oo ah ninka ugu dheer Addunka ay ku
uumanahay.
Waa Qalinkii, Adan Yuusuf Cilmi , Birmingham , UK
