WELCOME TO BERBERA CITY GOVERMENT & MUNICIPALITY
|
Taariikh Nololeedkii Siciid Daa,uud Cilmi Maayarkii Berbera
|
Marxuumku waxa uu ku guulaystay dib u
habeny uu ku sameeyey Golihii deegaanka oo
aad u kala daadsanaa waxaanu helay
kalsoonida xildhibaada Golaha Deegaanka
Berbera.
Alla ha u naxariistee Siciid Daa’uud Cilmi waxa uu ku dhashay Magaalada Berbera
sanadkii 1954 kii, waxaanu ku barbaaray Berbera oo ku dhameystay waxbarashadii
Dugsiga Hoose & Dhexe
Kuma ayuu ahaa Siciid Daa’uud Cilmi?
Alla ha u naxariistee Siciid Daa’uud Cilmi waxa uu ku dhashay Magaalada Berbera
sanadkii 1954 kii, waxaanu ku barbaaray Berbera oo ku dhameystay waxbarashadii
Dugsiga Hoose & Dhexe, Waxbarashadii Dugsiga Sare waxa uu ku qaatay boodhinkii
Magaalada Sheekh, Marxuumku waxbarashada Jaamacada waxa u tagay Dalka
Hindiya halkaasi oo uu kusoo Bartay Cilmi Dhaqaalaha.
Xiliyadii hore wuxu ku noolaan jiray Wadanka Sucuudi Areebiya halkaasi oo uu ka
soo laabtay isla markaana waxa uu dalka ka bilaabay baayac mushtar isagoo Markii
danbena Marxuumka ka qeyb galay Doorashada golayaasha Deegaanka Dalka taasi
oo qabsoontay sanadkii 2002 tan & waqtigaas marxuumka waxa uu ku hawlanaa
Arimaha siyaasada Isagoo ka dhexmuuqday Xildhibaanada Golaha Deegaanka
Berbera in badan loolan ugu jiray Hogaanka Golaha, Waxaanu nasiib u helay inuu
noqdo Maayarka Magaalada Berbera & Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Berbera
loo doortay 11.March.2006 waxaanu ahaa Maayarkii sedexaad ee Golaha
Deegaanku doorto intii uu jiray.
Maxaa lagu xasuusan doonaa Siciid Daa’uud Cilmi
|
Sida aad la wada socotaan waxaa bishan December 15, 2007 ku
geeryooday shil baabuur gudoomiyihii golaha degaanka berbera mudane
siciid daa,uud cilmi illaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee kaasoo xilka
duqa magaalada hayey mudo sanad iyo sagaal bilood ah oo ka bilaabanta
march 11, 2006 hadaba mudadii uu xilka hayey muxuu qabtay waxaynu ka
hadli doonaa wax qabadkiisii inagoo qodob qodob u kala qaadi doona
DAWLADA HOOSE
Illaahay haw naxariistee saciid daa,uud intaanu xilka gudoomiyaha golaha
degaanka berbera la wareegin dawlada hoose ee berbera waxay ahayd mid
mar walba kharashkeedu ka sareeyo dakhligeeda taas oo gayeysiin jirtay in
ay awoodi waydo in ay iska bixiso kharashyada bilaha ee ay gasho waxayna
taasi keeni jirtay in aanay isu dheeli tirnayn kharashka baxaya iyo dakhliga
soo geliya iyadoo mar walba kharashku sareeyey dabadeed waxaa dhici
jirtay in dayntu noqoto mid la bixin kari waayo oo buux dhaafta aakhirkana
maayarba maayarka ka danbeeya sidaas ugu wareejiyo hadaba markii siciid
daa,uud xilka qabtay khudbadiisii ugu horeysay ee uu dadka shacabka ah
kula hadlo waxaa erayadeedii ka mid ahaa anigu meheradihiina idinka
xidhimaayo ee waxaan weliba balan qaadayaa in aan kuwii xidhmayna dib u
furo runtii waxaa la odhan karaa waa ka dhabeeyey ka dib markuu bixiyey
lagac dayn ah oo kor u dhaaftay 1 bilyan shillings oo dawlada hoose lagu
lahaa,Waxyaalihii ugu horeysay ee uu qabtay waxaa ka mid ahaa isagoo
awooda isugu geeyey in la kordhiyo dakhliga dawlada hoose isla markaana
la yareeyo kharashyada dawlada hoose gelayso taasoo uu si fiican ugu
guulaystay waxaana la odhan karaa malaha waxaa caawisay aqoontiisa uu u
lahaa cilmiga dhaqaalaha maadaaba uu marxuumku ka soo qalin jebiyey
jaamacad dhaqaalaha oo ku taal wadanka indiya iyo iyana hal adagi iyo
hawlkarnimadiisii ay ku ladhnayd daacadnimadu ee uu u gudan jiray
waajibka saaran. Wuxuu kale oo siciid daa,uud isu soo dhaweeyey
mudanayaashii golaha degaanka berbera oo intaanu xilka qaban kala ahaa
dhawr garab oo iska soo hor jeeda waxaaba la odhan karaa intaan saciid
daa,uud xilka qaban golaha degaanka berbera wuxuu ahaa mid ay ka
quusteen shacabkii soo doortay wax rajo ahna aan laga qabin in ay wax
qabtaan intay xilka hayaan laakiin doorashadii saciid daa,uud waxay dhulka
ka soo qaaday magacii golaha degaanka berbera waxaana shacabku
yaqiinsaday in ay golaha ku jiraan rag daacad ah oo jecel in ay wax
qabtaan. Hadal iyo dhamaan mudadii saciid daa,uud xilka gudoomiyaha
golaha degaanka berbera hayey waxay golaha degaanku noqdeen qaar isku
duuban oo isku ujeeda ah wax kala qaybsanaan ahina aanay u dhaxayn
DHANKA HORUMARINTA MAGAALADA
Intaan siciid daa,uud xilka qaban aad ayaa loo dhaliili jiray wax qabadka
dawlada hoose haday tahay dhanka nadaafada iyo mashaariicda
horumarinta laakiin mudadii uu xilka hayey wuxuu qabtay mashaariic badan
oo wax ku ool ah waxaana ka mida dibu hagaajinta jidadka magaalada
dhexdeeda, kor u qaadista nadaafada magaalada iyo dibu dhiska wadada
isku xidha garoonka diyaaradaha iyo magaalada oo burbursanayd wadadaas
oo mudo dheer ahayd boog ku taala dawlada hoose iyo ta dhexe labadaba
ka dib markii hayadihii ku shaqada lahaa ka gaabiyeen wax ka qabadkeeda
DHANKA CAAFIMAADKA
Meelaha uu aadka wax uga qabtay waxaa ka mid ahaa caafimaadka run
ahaantiina cisbitaalada berbera waxay ahaayeen qaar magac ahaan uun u
jira laakiin mudadii uu xilka maayarnimo hayey wuxuu ku dedaalay sidii ay
cisbitaalada berbera u shaqayn lahaayeen wuxuuna dedaal dheer u galay
sidii looga gudbi lahaa carqaladihii faraha badnaa ee hor taagnaa inkastoo
cisbitaaladu leeyihiin gudi madax banaan kuwaasoo hada gacanta ku hayey
mudo lix bilood ah wax badana qabtay hadana waxaa la odhan karaa
hadaan siciid daa,uud barbarkooda taagnayn wax badan oo ay qabteen
ayaa maanta qabyo ahaan lahaa wuxuu mar walba jeclaa inuu magaaladiisa
wax u qabto arimaha caafimaadkuna waxay ahaayeen kuwa ugu horeeya ee
uu ahmiyada siiyey wuxuu caado u lahaa inuu dhawr jeer maalintii iyo
habeenkii soo booqdo labada cisbitaalka ee magaaladu leedahay oo eego
sida hawshu u socoto iyo hadba wixii dhibaato ah ee taagan
DHANKA CIYAARAHA
Dadka waqtiga dheer sii xusuusnaan doona wax qabadkii saciid daa,uud
waxaa ka mida bahda sprtiga alla yaa raxmiye wuxuu caan ku ahaa inuu
dhalinyarada ku dhiiri geliyo ciyaaraha wuxuuna tabaabushayn jiray
safarada ciyaaraha ah ee ay ugu baxayaan magaalooyinka kale isagoo sidoo
kalena soo dhaweyn jiray dhalinyarada safar ciyaareed berbera ku yimaada
ee gobolada kale ka soo socdaala wuxuu kale oo had iyo jeer dhiiri gelin
jiray in koobab loo qabto kooxaha ka jira magaalada berbera koobkii
ramadaanta oo loo dhigay ilaa 8 kooxood ee sanadkan galab walba
daawashadooda wuu ka soo qayb geli jiray marmarka qaarna wuxuuba
noqon jiray taageere u janjeedha koox ka mida kuwa ciyaaraysa oo
ciyaaraha aad ayuu u xiisayn jiray
Waxaa wax qabadkiisii laga sheegay salaadii ciida dadkii ka hadlayna waxaa
ka mid ahaa gudoomiye ku xigeenka gobolka saaxil maxamed muuse soobe
hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa saciid daa,uud waa dhintay illaahay haw
naxariistee laakiin wixii uu berbera u qabay waa nool yihiin inaguna waynu
ku xusuusan doonaa
Wuxuu saciid daa,uud ahaa nin masuul ah oo aanay ka muuqan wax kibir
ah iyo wax isla wayni ahi xili kasta oo qof reer berberi ahi hawl uga baahdo
wuu la kulmi jiray hadaad xafiiskiisu ugu tagto fadhiga ayuu kaaga kici jiray
hadaad guriga ugu tagto sarajooga ayuu ugu soo dhaweyn jiray mar walba
wuxuu ahaa nin ixtiraam badan oo soo dhaweyn badan oo qof kasta oo u
yimaada waqti siiya oo qanciya,
Run ahaantii maqaal yar laguma soo koobi karo wax qabadkii saciid daa,uud
cilmi laakiin qoraalkayga intaas ayaan ku soo gaabinayaa waxaana aan
leeyahay illaahay xariistii jano fardawsa ha ka waraabiyo inagana samir iyo
iimaan haynaga siiyo.
Jaamac cabdillaahi suleymaan
Cigaal215@hotmail.com

Qoyskii, qaraabadii iyo dhamaan ummadda Somaliland waxa
ka tacsiyadaynaya geerida marxuumka:Jamal Maxamed Cabdi
Maxamed Xaaji Ismaacil
Rooble maxamed ciise
Aadan Barre
Cabdilaahi Muxamed
Cabdilaahi saalax
Mubaarak Cabdiraxman
Cabdixakiim Cabdulaahi
Xassan Saleebaan
Cabdirashiid M.Cali(wadadyare)
Cabdiraxman Maxamed D.
Axmed Xaaji C.(SHAGAXLE)
Saalax Muuse Xassan (qaraami)
________________________________________
________________________________________
Inaalilaah wa inaa Ileyhi Raajicuun,
Bacda salaan bahda Somaliland Websites, Waxaanu tacsi ay tiiraanyo ku dheehantahay
u dirayna anagoo ah dadka hoos ku xusan, geeridan kadiska ah ee naxdinta leh ee ku
timi Guddoomiyihii Golaha deegaanka ee Gobolka Saaxil, isla markaana ahaa Maayarkii
Magaalada Berbera Siciid Daa’uud Cilmi, Dhamaan shacabka reer Berbera, reer
Somaliland,qoyskiisi, asxaabti iyo qaraabadi uu ka geeriyooday marxuunku.Dhamaan
reer Essa Awaleh meel kastoy joogaanba,
Omar Essa Awaleh
Abdillaahi Essa Awaleh
Osman Essa Awaleh
Maxamed Mahdi Essa
Abdirizaaq Mahdi Essa
Xildhibaan.Abokor Mahdi Essa
Abdi Salaan Mahdi Essa
Mukhtaar mahdi Essa
Axmed Abdi Essa (Faas)
Mohamed ahmed Abdi (2faas)
Khadra Ahmed Ali
Xisaabiyaha D/Hoose ee Berbera C/Khaalaq C/laahi Maxamed
Cismaan Ahmed Cisman (Cinbir)
Shucayb Muuse allaale
Rashiid Muuse Xirsi (Dalab)
Hassan Ahmed Siciid
Tifaftiraha Wageyska Jamhuuriya London Cabdixakiim Maxamed Sheekh
Osman Hashi AwadWaxaana ay leeyihiin marxuun Siciid Daa’uud Cilmi ilaahay janadii
fardawsa haka
waraabiyo,khaasatan dhaman ehel kiisii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka tagay na ilaahay
samir iyo iimaan haka siiyo aamin aaaaamin aaaamin raboow.Mukhtaar Mahdi Essa
________________________________________
INAA LILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJICUUN;Hadaanu nahay xubnahan hoos ku qoran
waxaanu tacsisyad u diraynaa eheliyadii iyo qaraabadii, asaxaabtii, iyo umada reer
Soomaaliland khaasatan bulsha waynta ku nool gobolka saaxil oo aanu ka
tacsiyadaynaynu geeridii naxdinta lahayad ee ku timi duqii magaalada berbera Siciid
Daa’uud Cilmi oo shil gaadhi ku geeriyooday maalintii Sabtida ee bisha Dec/15 keedii
wadada u dhaxaysa magaalada Berbera iyo Hargaysa.Waxaanu leenahay marxuumka
ilaahay dambigiisa ha dhaafo, qabrigana how nuuro, eheladiisii iyo qaraabadiisiina
ilaahay samir iyo imaan ha ka siiyo.Axmed Maxamed Saleeban
Abdi Ismail Mohamed
Hassan Osman Guleed
Rashid Hassan Jirdeh
Saeed Mohamed Timir
Abokor Ibrahim Ahmed
Osman Hashi Awad
Adan Mohamed Ali(Guray)
Ahmed Omer Duale
Ali Ibrahim
Abdi Kayd
Mohamed Ibrahim Gamute
Mustafe A. Mohamed(Awale)
Ahmed Yassin Mohamed
________________________________________
Anagoo ah dadkan halkan ku qoran oo kala…..ANIIS CABDILLAHI CIISE
MAXMAED CABDILLAHI CIISE
CABDIRAXIIM CAABI FAARAH
XASAN ABDILLAHI CAABI
CISMAAN XAASHI CAWAD
CABDISAMAD CALI DHAGAQOOL
CABDIKHALIQ CALI DHAGAQOOL
XUSEEN SERAAR
CALI BARRE
OMAR CISMAAN
MAXAMED CUMAR NUUR
CABDIRAXMAAN BURCO
MAXMAED JABIYE
CALI JAMAC
SICIID TIMAJILIC
CALI MUSEWAXAAANU TACSI U DIREYNAA EHELADII IYO QARAABADII UU KA BAXAY
MARXUUM…SICIID DA’UUD CIGAAL OO MAANTA OO AH SABTI KU GEERIYOODAY
JIDKA U DHAXEEYA HARGEYSA IYO BERBERA…..WAXAANU ILAAHAY UGA BARYEYNAA
IN UU MARXUUNKA JANADII NAXARIIS KA WARAABIYO, REERKIISII IYO EHELADIISIINA
SAMIR IYO IIMAAN KA SIIYO……AMIIN ….AMIIN….AMIIN
________________________________________
Inaa lillaahi wa innaa illeyhi raajicuun.Waxaanu halkan tacsi uga diraynaa guud ahaan
shacabka somaliland gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuum Siciid
Daauud Cilmi gaar ahaan reer Daauud cilmi iyo abwaan Ciise warsame (dhancade) oo
ah marxuumka abtigii.Marxuumka oo ahaa maayarkii magaalada Berbera, waxaanu
ilaahay uga baryaynaa inuu geeyo janadi fardawsa inagana samir iyo iimaan inaga siiyo.
1. Maxamuud aw Xasan Cige
2. Xirsi Madar diiriye
3. Cabdi yuusuf Xirsi (baarwayne)
4. Xuseen ismaacil jaamac (budul)
5. Khadar Xuseen Aadan (barbaraawi)
6. Cabdi guuleed (Badhasaab)
7. Xuseen Aadan Maxamed (Tuule)
8. Guuleed Ismail Jibaar
9. Axmed Xirsi Madar
10. Foosi Ismaacil Jibaar
11. Cabdisalaan ismaciil jibaar
12. Carab Maxamed (Timohele)
13. Ibraahin Maxamed Timohele.
14. Cali ismaaciil yuusuf
15. Maxamuud baaruud cabdi
16. Cabdixakiin C/laahi ordaaye
17. Baylood Maxamed Cismaan
18. Axmed-yaasiin Xuseen Faarax
19. Haaruun jiircaws
20. Baashe Maxamed Cabdi
21. Jamaal Ismaciil (Ciilo)
22. Xasan Sulub Xuseen (dhiico)
23. Cabdilaahi Caqil Cilmi
24. Sh Ibraahin Maxamed Faarax
25. Iid Cali guuleed
26. Mukhtaar cabdi Axmed-biixi
27. Mubaarig Maxamuud Cabdi -falaag
28. Asad Ibraahin Aadan-Qube.
29. Gamaal Axmed dhagayare
30. Mustafe Baaruud Cabdi
31. Khadar fogaad
32. Farxaan Muuse (dhurde)
33. Jibriil Ciise Maxamed
34. C/qaadir Xirsi dogox
________________________________________
Waxaa maanta oo taarikhidu tahey 15.12.07 ahna maalin sabti ah, shil gaadhi ku
geeriyoodey duqii magaalada Bebera marxuum Siciid Daa`uud Cilmi. Hadaba anagoo
ka mida qaraabada marxuumka kana murugeysan geeridaa naxdinta leh waxaanu tacsi
tiiraanyo leh u direynaa xaaskii marxuumka Faadumo Cabdi Ileeye walaaldii Muuse
Daa`uud Cilmi, C/llahi Daa`uud Cilmi, Jamiil Daauud Cilmi iyo qoysaskooda. Waxaanu
sidoo kale tacsi u direynaa dhamaan eheladii kale, asxaabtii, shaqaalihii marxuumka la
shaqeynayey iyo dhamaan umada reer Somaliland. Waxaanu marxuumka oo ahaa qof
wanaagsan Alle uga baryeynaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo kana yeelo inta naarta
ka badbaadey, dhamaanteena uu samir iyo imaan inaga siiyo. Aaamiin. Naf waliba waa
hubaal iney geerida la kulmi doonto.Waxaa tacsida diraya.Ciise Warsame Samateer iyo
Caruurtiisa
Dhude Warsame Samater iyo caruurteeda
Osman Omar Dool iyo Qoyskiisa
Cali Cabdi Gaas iyo Qoyskiisa
Fuaad Abdi Gaas iyo inankiisa C/Rahmaan
Shurki Cabdi Gaas iyo inankeeda Mohamed Khadar
Hooyo Ardo Aw Ismaciil Warsame
Hooyo Aamina Hassan Ducaale
Maryan Aw Isacmiil Warsame iyo Qoyskeeda
Faadumo Aw Ismaaciil Warsame iyo Qoyskeeda.
Farah Aw Ismaciil Warsame iyo Qoyskeeda
Xaliimo Aw Ismaciil Warsame
Nimco Aw Ismaaciil Warsame
Aamina Aw Isacmiil Warsame
Hinda Aw Ismaciil Warsame
Ahmed Aw Isamciil Warsame iyo Qoyskiisa
Hassan Aw Ismaaciil Warsame iyo Qoyskiisa.
Hussein Ahmednour Hassan (Xuseen Cade).
Abillahi Aw Ismaciil Warsame.
Mohamuud Aw Isamciil Warsame
Abdi Aw Isamciil Warsame
Abdikariim Osman Omar Dool.Waxa kale oo tacsidan direy dhamaan Marxuumka raaska
u reer Abtiga aheyd oo dhan.Waxaa qorey
Osman Omar Dool iyo
Ali Abdi Gaas
oo degan wadanka Norway.Faadumo Caydiid Caliwaraabe iyo Qoyskeeda
Tacsiyaha dadweynaha ku kala nool dalka gudihiisa iyo Dibadiisaba
billaahi Tawfiiq