WELCOME TO BERBERA CITY GOVERMENT & MUNICIPALITY
|
Building_ka Dowlada Hoose ee
Berbera. Berbera City Hall
Ku simihii ahna ku xigeenka
Guddomiyaha Golaha Deegaanka
Abdi Jaamac Faduul.
Maxjarka Xoolaha ee Berbera
|
News/Event
Guddoomiyihii u horeeyay ee
Golaha deegaanka ee Gobolka
Saaxil,isla markaana ah maayarka
magaalada Berbera: Cabdalle
Maxamed Carab (Sandheere)





Madaxwayne ku xigeeenka jamhuriyada soomaaliland Mudane Ahmed
Yuusuf Yaasiin oo socdaal ku yimi gobolka saxil.
Maanata oo ay bishu taariikh du tahay 3/4/2008 oo madax wayne ku xigeenka jamhuuriyada
soomaliland mudane Ahmed Yuuusuf Yaasiin uu xadhiga ka jaray wadada isku xidha airport road
iyo magaalada taasoo loogu magac daray maruuxinkii Siciid Daa’uud Elmi Road
Khudbadii googooska ahayd ee uu soo jeediyay gudoomiyaha goloha deegaanka Mr: Abdale
Maxamed Arab , isagoo ku soo dhaweeyay madaxwayne ku xigeenka & waftidii balaadhnayd ee
uu hogaaminaayay ee goobtaaas ku sugnaa :-
Manta oo madax wayne ku xigeenku xadhiga ka jaray wadada isku xidhaysay madaarka iyo
magaalada manta oo ay taariikhdu tahay 3/4/2008 manta oo madaxwayne ku xigeenku xadhiga
ka jaray run ahaantii waxay wadadani ahayd bilicda magaalada , taas oo qiimo badan magaalada
ugu fadhida , intaa haddii aan faahfaahin badan ka bixiyo wadadu cabnikeedu waa 3.5Km iyo
200M.
Waxaana ka qayb qaatay dhismaheeda dowlda hoose iyo ganacsato samaysay contribution fican
sida ku cad boodhka laakiin waxaaa 85% ka qayb qaatay dowlada hoose.
Haddaba waxaan leeyhay ku soo dhawaada madaxwayne ku xigeen adiga iyo waftidaaduba
wadadan oo in badan magaalada sharaf daro ku haysay magaalada Berbera waayo iyadoo ah
muraaayada wadanka qof kasta oo soo dagaana aragti ayuu ka qaadanayaa waayo haddii ay
dadku dadaalaana wax badan ayaay qabsan karaan waxaan hadaba ku soo dhawaynayaa
wasiirka arimaha gudaha mudane Abdilaaahi Abdirahmaan Ciro
Halkaas oo Wasiirka Arrimaha Guddaha Abdiraxmaan Abdilaahi Cirro uu ka jeediyey Qudbada.
Ciro;
Bimilaahi raxmaani raxiim wasaalu wa salamu calaa ashrafil ambiyaa’I wal mursaliin intaa ka dib
waxan halkan aad uga salaamayaa wasiirka duulista iyo hawada ,gaashiin dhiga ,iyo dhamaan
goloha deegaanka berbera.
Dariiqani waa dariiiq in tusaaya inaynu wax qabsanay qabsaan karno waanay ay ka ficantahay wax
la inoo qabatay waanay ka macaantahay hadaynu nidhaahno haayad hebel baa wax ka qabatay oo
aynaan manta odhanayn haayad hebel baa wax ka qabatay I iyadoo ay dowlada hoose iyo dadkii
sameeyay contribution ay dhamays tireen.
Waxaaan ana soo jeedinayaa in wadadan loogu magac daro marxuun Siciid Daa’uud Elmi
looguna qoro magaciisa waxaan kaloo soo jeedinayaaxay qabteen waxaanan leeyahay
wadadaasi isagna tusaaleha u noqoto mantana waxbaynu qabsanay inta hadhayna waxaynu u
daynayanaa Mudane Maxamed Waran cade .
Bismilaahi raxmaani raxim mudane madaxwayne ku xigeen, waxaan halkan ka salaamayaa
golaha deegaanka berbera madaxda gobolka iyo madaxda kale ee dakada madaxda kale ee
shrfta leh ee ka soo qayb gashay munaasibadan dadki ku howlanaa iyo dadkii suurta galiyay
ayaan iyana mar labaad u mahad naqayaa waxaa manta waxaa si aad u shaqeeya waa dakada
Berbera o manta si aad u shaqaysa iyo airport ka Berbera oo ah kani ugu dheer Africa hadaanuu
ka labaad ahayn waxaana loogu tal galay airport ka……………………………….
Intaa ka dib waxaa halkaa ka hadlay madaxwayne ku xigeeenka jamhuuuriayda soomaaliland
Md.Ahmed Yousuf Yasin “Bismilaahi Raxmaan Rahiim, Waxaan idin leeyahay waxa gaadheen
Guul haddii aad sidaa ku socotaana Oo maalinba meel aad ka shaqaysaanba waad camirmi
doontaan oo magaalada Berbera way camirmi doontaa, Hadaba waxaan leeyahay Dawlada ku
dadaala sidii ay magaaladu camiranto, Waxa aan idin leeyahay waa hanbaliyo maadaama oo
Wodada intaa le’eg aad samayseen Kuna samayseen dadaalkiina taasina waxay tusaysaa
qofwalba oo bili aadam ah in uu gacantiisa wax ku qabsado , waxay taasi ka turjumaysaa qof
yidhaaha haydadaha ayaa waxa noo sameeyey , Ha’yad hadii aynaan inagu waxa qabsan inala
qabanaysaa ma jirto , Markaa waxa aan idin leeyahay inaga ilaawa in hayadi wax inoo qabato
marka hore ba inaga ayaa waxqabsan jirnay ama tarsan jirnay hayadu waxa ay waxa kula qaban
kartaa marka aad waxqabsato ee haddaad tidhaaho gagi cidla ah ayaan fadhiisanayaa hayadi
waxba kula qaban mayso caalamkuna waa kula yaabayaa, Maanta laga bilaabo aynu tashano
wixiii inaga dhimana aynu qabsano , waliba wax badanina waa ay inaga dhiman yihiin waliba
Berberana town plan waxaan leeyahay intaa aan lagugu soo jabin samee Town plankii
wadooyinka dibada magaalada si rashka hadhow kugu dhaca kugu kala aado, Waanad ku mahad
san tihiin shaqadda aad qabateen. Hadalkaasi waxa uu ahaa Mudane: Ahmed yousuf Yaasiin
Ka dib waxa bilaabmay socdaalkii waftigii uu hogaaminayey madax wayne ku xigeenku , Isagoo
booqday goobaha Cisbitaalka iyo Wakaalad Biyaha Berbera (Faradeero) Halkaas oo Madax wayne
ku xigeenka iyo waftigii wasiiradda ahaa ee la socday manta ku hoyden Gobolka Saaxil Berbera.
Muuqaalka Goobaha Uu booqday Madax wayne ku xigeenku iyo Mashruuca Dib u dhiska wodada
Airportka oo Madaxa wayne ku xigeenku xadhiga manta ka jaray.
bma@hotmail.com


