Berbera Local Goverment
WELCOME TO BERBERA CITY GOVERMENT & MUNICIPALITY
Guddoomiyihii hore ee Golaha
deegaanka ee Gobolka Saaxil, isla
markaana ahaa Maayarkii
Magaalada Berbera
Siciid Daa’
uud Cilmi (Alah Yaraxma)
Building_ka Dowlada Hoose ee
Berbera. Berbera City Hall
Somaliland Gov. Links
City Services Guides

  • Hotels

  • Airport Service

  • Transportation

  • Restruants
Somaliland/News Links
Berbera Local Goverment!
Somali Audio News
Somaliland Newspapers
Ku simihii ahna ku xigeenka
Guddomiyaha Golaha Deegaanka
 
Abdi Jaamac Faduul.
Maxjarka Xoolaha ee Berbera
Markab Dekeda taagan
News/Event
Guddoomiyihii u  horeeyay ee
Golaha deegaanka ee Gobolka
Saaxil,isla markaana ah maayarka
magaalada Berbera:
Cabdalle
Maxamed Carab (Sandheere)
Telesom building

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile oo si weyn loogu soo dhaweeyey
Coventry iyo wacdarihii halkaa.

Xildhibaan Maxamed faarax Qabiile ayaa aad loogu soo dhaweeyey xaflad aad loo agaasimay oo
lagu qabtay xarunta Jaaliyada Somaliland ee Magaalada Coventry . xafladaas waxaa soo
agaasimay Jaaliyada Somaliland ee Coventry ee cariga ingiriiska , waxaana goobtaas aad u soo
buuxiyey dadweyne aad u badan oo Somaliland ah oo degan Gobolka West Midlands , iyagoo ay
dadkaasi aad u xiisaynayeen in ay maruun arkaan Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile oo markii
hore ahaa Macalimiintii Waaweynaa Somaliland, iminka ah Xubin Firfircoon oo barlamaanka
Somaliland ah, waxaanay dadku aad u jeclayeen wararka dalkii hooyo oo ay aad u sugayeen .
waxaa halkaa aayado quraana iyo ducoba ka jeediyey Mudane,Maxamed Xasan Yey
intaa ka dib,waxaa lagu soo dhaweeyey oo hadalkii furay Gen,maxamed jamac
wersame(Fadhi-kusalaan) oo ah oday weyn oo jaaliyada iyo Somalilandba xushmo iyo qiimo ku leh
, Waxaa iyaguna halkaa mahadnaq ka soo jeediyey odayshii jaaliyada ee soo agaasimay xaflada
Mudane Cali Cabaade Weyd , Cabdiqaadir Macalin,  iyo Cabdiraxman cawil ahna Xildhibaanada
keydka ah ee xisbiga kulmiye gobolka saaxil metelayeyna jaaliyada  isna Magaalada Leicester Uk.
















   
   soo dhaweyntaa ka dib waxaana  hadalkii lagu soo celiyey gudoomiyaha shirka Mudane , Ciise
Muuse Maxamed oo isaguna halkaa ka jeediyey mahadnaq balaadhan   
waxaanu ku bilaabay hadalkiisii :- waxaa noo farxada anagoo ah jaaliyada somaliland ee Coventry
inaanu ku soo dhaweyno Magaalada coventry Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile   isagoo ku
hambalyeeyey sida Xildhibaanku u ajiibay martiqaadka jaaliyada  ,isagoo hawlihii qaranka ku jira
sida hadana uu nooga aqbalay inuu noo yimaado oo weliba warbixin naga siiyo wadankii hooyo
dhinac kasta, marlabaad anagoo qiyaasi karin shucuurtayada kuna faraxsan imaatinka
xildhibaanka inaanu la kulano xildhibaan Somaliland oo sharaftiisa iyo qiimahiisa leh ku soo dhow
Jaaliyada Somaliland ee Coventry intaa dabadeed waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyey
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile,xildhibaanku waa dedaal badan yahay hadjeerna waxuu ka
hadlaa arimaha iyo xaaladaha dalka ka jira ,isagoo aad isugu hawla soo dhaweynta dadkii
Somaliland ee soo doortay , markasta isku taxalujiya inuu ogaado baahiyahooda .
xildhibaanku waxuu aad ugu mahadnaqay soo dhaweynta iyo karaamada loo sameeyey ,isagoo
aad ugu mahadnaqay dadkii soo agaasimay xaflada gaar ahaan ,dhalinyarada, odoyaasha iyo
masuuliyiinta jaaliyada.
















waxaanu balanqaaday inuu hawshaa qaran ee uu hayo sidaa aad iigu maamuusteen ayuu yidhi  
aan u xejinaayo ,waxna anaan iska hagranayn intii karaankayga ah,ilaahayna igu guuleeyo.
waxa uu sheegay inuu ka mid yahay xildhibaano 15(shan iyo tobana) oo loo soo direy Ingiriiska si
ay kor ugu sii qaadaan ka midhodhalinta ictiraafraadinta Somaliland iyo joogtaynta xidhiidhka Sl iyo
UK.
waxaanu ahayn wafti aad u balaadhan oo miiisaan siyaasadeed uu culus leh, waxaana aanu ka
koobanahay sadexda xisbi qaran iyadoo aanu metelayo dhamaan shacabka Somaliland, intii aanu
joognayna Sl waxaa la kulanay Madaxweynaha Somaliland waxaana aanu kala hadalnay
booqashadisii hore meelaha haboon in wax laga qabankaro iyo sida aanu uga heli karno talo siin
taasna si fiican ayey inoogu dhamaatay ayuu yidhi xildhibaanku.
















   xildhibaanku waxuu aad uga hadlay dhinacyada ,Siyaasada,   Ganacsiga,  Waxbarshada,
Garsoorka Miisaaniyada ,Doorashada iyo ka midhodhalinta qadiyada Somaliland isagoo aad ugu
dheeraday in loo midoobo qadiyada somaliland qofku xisbi kasta ha ahadee,waxuu aad ugu
dardaarmay dadka Somaliland inay midnimada iyo iskuduubnaanta aad ugu dedalaan ,marka
ayna markasta ka  warhayaan dalkii hooyo, oo ay qaybtooda ka qataan , horumarinta arimaha dalka
, waxuu xusuusiyey inay xildhibaanada uk ee deganadooda ka iibiyaan qadiyada Somaliland ka
dhaadhiciyaan inay ku biiraan saxiibadooda u ololeeya Qadiyada Somaliland.















  
   waxuuna  ahaan jirey xildhibaanku Macalimiintii hore Somaliland waxuuna raacinayey waxkasta
oo uu sharaxaayo arinkale oo dhacday oo ku dabaqaayo dhacdo hore u dhacday sida mar uu ka
hadlayey wararka wadanka laydinka keeno, INAAD NA TIDHAAHDAAN , WAAR MIYAAD
SHAANDHEYSEEN MISE ANAGAA IDINKA SHAANDHEYNA , inaan wararka layska qaadan ee wax
la hubsado, waxuu ka sheekeeyey xildhibaanku taariikhdii hore iyo sidii loo dhisay dalka
maraykanka oo dhistaanka ay ka horeyso xeerka la sameeyo, Haddii caaqil aad samaynayso Ma
Caaqilka  ayaad sameynlahayd mise Xeerka ayaad sameynlahayd ayuu weydiiyey dadweynihii
madasha fadhiyey  , waxay yidhaahdeen,,, Xeerka , waxkasta waxaa ka horeeya sharciga lagu
dhaqayo inaad horeysiiso.
















Markii uu ka hadlay Midnimada ,,,waxu ka shekeeyey  Laba Oday oo ReerSl  ah ayaa laga xidhay
laba inan oo ay dhaleen , waxay ku heshiyeen in mid noqda ka isugu matalaya oo uu u hadlo,
markii ay soo noqdeen ayuu ku tuhmay in uu mid uun u hadlay uuna mooday inankiisa oo keliya,
markii soo noqday ayuu dadkii ku yidhi aniga iyo hebel col ayaan nahay ee oogaada , dabadeed
maalin danbe ayaa laysugu yimi shir beeshoodu leedahay, odayshii cabashada hore uu u muujiyey
ayuu hadana ku  hal qabsaday ninkii hore ee ka cabanayey, dadkii ayaa la yaabay oo yidhi ,sowdigii
yidhi col ayaanu nahay , dabadeed waxu yidhi iminkaba maanu heshiin ee wax aanaanu ku
ceeloobi Karin ayaa meesha yaala, taas oo xildhibaanku  ku macneeyey xisbiyadu inay noqdaan
weel loogu baratamo samaha iyo hogaaminta dalka si distoorka iyo xeerarka dalka u degsan
waafaqsan si daradeed waa in laga dayaa xanafta iyo xafiiltan dhaawaca himilada iyo midnimada
umada , jaaliyada UK hadaad tihiin waxaan idinkula dardaarmayaa inaad tihiin saafaradii  
metelaysey siyaasada arimaha debada .  
guud ahaan si aad u wanaagsan ayuu dadkii madashaa fadhiyey ugu sharaxay shey kasta oo uu
ka hadlay runtiina dadku aad ayey u qushuuceen isagoo aad ugu booriyey in dadku ay dalka ku soo
noqdaan oo haddii ay karayaan ay maalgashadaan ,
Halkaa waxaa ka hadlay Mr,Saadiq Maxamed Xasan Yey  oo nin dhalinyaro oo aad u dadaal badan
lana xiidhiidhay Guriga odayaasha aqalka Ingiriiska oo ku booriyey in la aqoonsado somaliland
isagoo halkaa ku soo bandhigay warqadii uu u qoray iyo jawaabtii uu ka helay Guriga odoyaasha
Ingiriiska runtiina waa arin aad u wanaagsan oo dhamaan dadkii halkaa yimi iyo xildhibaankuba ay
u mahadnaqeen.
Waxaa isna Madashaa joogay Muwaadinka Somaliland Mr,Xuseen Maxamed (bisad) oo ah Ninka
ugu dheer Dunida aynu ku uumanahay oo isaguna ka dhex muuqday fagaaraha xaflada.
Intaa ka dib waxaa halkaa su,aalo weydiiyey xildhibaanka dadweyne aad u badan , oo ku saabsan
wadankii dhamaantood ,runtii waxuu uga jawaabay xildhibaanku si aad iyo aad u faahfaahsan oo
uu raacinayo habkii macaliminadiisii hore taas oo aad ugu bogeen dadweynihii madaashaa isugu
yimi  Qosolna ay la rafteen , way badnayd qudbada Xildhibaanku oo aad moodaysay inaanu waxba
ka tegin dhinac kasta Somaliland iyo jawaabihii dadka uu siiyey oo iyagu aad moodo inay dadku
weydiiyeen meelkasta in ay ogadaan sida ay tahay ,runtiina waxuu u adeegsaday habkii
macalinimadiisii hore oo ay aad uga mafsuudeen dadweynihii madashaa isugu yimi guud
ahaanba , waxaanay ahayd xaflad lama ilaawana .
Qore, Adan Yuusuf Cilmi , Coventry UK.